Hayaanka Horumarka iyo Hufnaanta Shacabka


Hayaanka Horumarka iyo Hufnaanta Shacabka:

Somaliland waa waddan halgan dheer usoo maray dib ula soo noqoshada xornimadiisa iyo gobanimadiisa, waa waddan u ku dhacay burbur laxaad leh, waa waddan shacabkiisu aanu awood u lahayn in ay dhistaan daaro hal dabaq wax ka wayn. Waa waddan shacabkisu ay la kulmeen dhibatoyin baddan oo dil iyo dulmi ba iskugu jira.

Si kastoy ahaataba Somaliland ayaa haatan ah waddan hantiyay libintii iyo guushi ugu waynayd ugu qiimaha iyo qayaha badnayd, oo ah gobanimada iyo xoriyada jamhuuriyada Somaliland. Somaliland marki ay lasoo noqotay xornimadeeda waxa ay ka koobnayd lix gobol; dadka, dhismayaasha iyo dhamaanba dhaqdhaqaaq yada dalka oo yaraa iyo waliba burburka awgeed.

Shacabka Somaliland ayaa noqday kuwo muujiya geesinimo, hawlkar nimo iyo dadaal dheeraada, isna ilawsiiyay dhibatoyinkii xanunka badnaa ee soo maray. Somalida ayaa waxa ay ku maahmaahdaa “wixii rag u kaco rabbina aqbalaa way rumooban” taas oo ka dhigan bulshada Somaliland waxay si hagar la’aana ugu kaceen horumarka iyo qurxinrta waddan kooda ay ku dhaataan. Awooda Rabbi awgeed waa ay u suurto gashay waxaanay meel wacan oo hawlkar nimo ka muqato ka marayaan jidka horumarinta dalkooda.

Somaliland oo ahayd lix (6) gobol ayaa manta horumarka socda awgeed waxay maraysaa kow iyo toban (11) gobol; waxa ugu wayn ee saameeyayna ay tahay horumarka iyo dhaqdhaqaaqa dadka oo kor usii kici timaya; haddaba hiigsiga jamhuriyada Somaliland ayaa isagu ah mid aad uga meeqaam sareeya waxay nawailayaan waddamo badan oo la jaar ahi.

Waxyaabaha ugu waawayn ee haatan lagu cabbiro xaddiga horrumarka, ayaa waxa ka mid ah ama aynu odhan karna wu ugu waynyahay; waxa lo yaqaan afka qalaad (infrastructure) afka somaligana ku noqonaya kaabayaasha bulshada, kaas oo ay ka mid tahay sida (dhismayaasha, waddooyinka, dab bixiyayasha iyo kabayaasha bulshada oo dhan).

Waddan aan haysan wax maddax banana ah aad ayay ugu adagtahay in uu gaadho horumar balaadhan waayo waxa uu ka xaniban yahay waxyaabo badan oo ay ka mid tahay maal-gashiga.

Dab kastoy kulaashaba, bulshada Somaliland ayaa ah kuwo ku amaanan sida ay ugu tafa xayteen carqaladaha tiro beelka ah ee soo wajahaya. Gobol walbana manta uu iski u gaadhayo horumar la taban karo. Kana socdaan dhismayaal noocay donan ha noqdaane. Sidoo kale dawladdaha hoose ee dhamaanba gobolada jamhuriyada Somaliland ayaan la ilaawi Karin siday u joogteeyan ilaalinta bilicda iyo qurxinta gobolada iyo degmooyinkaba.

Eegan la joogo ayaa ah mid ay ka jirto loolan aad u xoogan, islamarkaana ay ku loola mayaan bah waynta caalamka; Horumar balaadhan oo taabanaya dhinacyo badan oo ah meelaha Eega lagu qiimeeyo waddankasta. Haddaba jamhuriyada Somaliland ayaa iyadu aan ka maqnayn loolanka horumarineed ee ka socda caalamka guud kisa.

Waxa mahad iyo maamus inaga muddan shirkadaha dhismayaasha waddanka oo iyagu kaalin wayn oo laxad leh ka qadatay balaadhinta, qurxinta, qaabaynta iyo horumarinta dalka. Iyaga oo wayahan danbe kusoo baddanaya waddanka isla markaana, suurto galinaya la jaan qaadida caalam waynaha.

Somaliland dalkayga

Dubkiyo, jiidhkiyo dadkayga

Wixii daal iyo dhib iyo

Duruufo ay soo mareen

Dagaalkii sokeeyuhu

Daaruhuu naga dunshay

Dibaa loo wada dhisoo

Daruurtay la siman yihiin

Dawlado shisheeye iyo

Gargaar dibad nooga iman

Dadkaygaa intuu tashaday

Isku duubni wadareed

Duruufta ku qaabiloo

Dariiq iyo laamibaa

Dalkaygii laga hir galiyay

Dawlada hoosa u hormuda

Qurba joogga dibadana

Daa’inkeen ha daayee

Door wayn bay ka qaateen

Dadku horumar moyee

Dib u socod mayeelaan

Doonistoodu waa kali

Diidis toodu waa kali

Berri iyo danbeetana

Daa’in waxaan baryaynaa

Dalkaygoo nabada oo

Barwaaqo intay dilaacday

Dalxiiskuna noo yimaadoo

Qurba joogga dibadee

Yurub daalku ku dilay

Dalkoodi kusoo noqdaan

Dunidu ictiraaf na siisoo

Farxad lagu damashadayaa.

-Abwan Awale Yusuf Mouse

Previous Post Next Post